Allbanaadir.com
NEWS

Furaha Kacbada oo shakhsi cusub lagu wareejiyay kaddib geeridii Sheikh Saalax Al Shaibi

Furaha kacbada ayaa maalmo kaddib lagu wareejiyay Sheekh Cabdul Wahab bin Zain Al Abidin Al Shaibi , kaa oo noqonaya masuulka cusub ee heyn doona furaha kacbada ee maqaamu Ibraahiim inta uu nool yahay.

Sheekh Saleh Al Shaibi oo maalmo kahor geeriyooday ayaa horey u ahaa masuulka hayay furaha kacbada, waxaana geeridiisa kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Barakeysan ee Makka lagula wareejiyay Cabdul Wahab bin Zain Al Abidin Al Shaibi.

Wiil uu dhalay furahayihii kacbada ee geeriyooday ayaana ku wareejiyay Cabdul Wahaab oo ah hadda ninka ugu da’da weyn qowska Al-Shaiba , qoyskan ayaana horey Nebi Maxamed NNKH uga dardaarmay in iyagu masuul ka yihiin heynta furaha kacbada.

“Ilaahay ha igu guuleeyo gudashada waajibaadkan iyo mas’uuliyadda labada masjid ee barakeysan ee la i saaray.” ayuu yiri Sheekh Cabdul-Wahaab oo ah fura hayaha cusub ee Kacbada.

Ilaaliyaha Kacbada waa qofka kaliya ee haysta furaha Kacbada, wuxuuna u xilsaaran yahay wax kasta oo la xiriira arrimaha Beydka Alle, oo ay ka mid yihiin beddelidda Kiswada (marada ku daboolan), dhaqidda, iyo carfinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qoorqoor oo shacabka Gaalkacyo kala qeyb galay aaska Marxuum Sh. Cali Dheere

Caydiid Ali

Siyaasiga Saciid Ciise oo digniin iyo talooyin dhaxalgal ah u diray Farmaajo

Caydiid Ali

Sawir Selfie oo ah caro badan dhaliyay iyo Warbaahinta oo hadal heysa !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---