Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Carro ka dhalatay dil ciidamada Nageria u geesteen haweeney Qareen Xaamilo aheyd

Askari katirsan ciidamada dalka Nageria ayaa dilay haweeney qareen ah oo sidoo kale la sheegay in ay xaamilo aheyd, waxaana dilka haweeneydan si weyn uga carrooday shacabka Nageria.

Ciidamada booliska Nageria ayaa sheegay in ay baarayaan dilka askariga u geestay haweeneyda qareenka ah, waxaana haweeneydan la dilay xilli ay kasoo baxday kaniisadda Christmas-kii.

Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Lagos ayaa wacad ku maray in baaritaanku uu noqon doono mid degdeg ah, waxa uuna xusay in caddaaladda la horgeyn doono dadka lagu helo dambiga.

Booliiska dalka Nageria ayaa lagu eedeeyay in ay wadaan tacadiyo ka dhan ah dadka rayidka ah, waxaana dhacdadan ciidamada ku dileen haweeneyda qareenka xoojisay dhaleeceynta booliiska loo jeedinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sawir uu Trump soo dhigay Twitterka oo dhaliyay hadal heyn iyo maadeys (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qaraxyo saaka lagu weeraray guri uu degena taliyaha Nabad Sugida degmada Dayniile

Caydiid Ali

Xiisad ka taagan Kismaayo iyo Itoobiya & Kenya oo loolan ku jira

admin
Taboola Ads ---