Wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran iyo Ciidamo badan oo lasoo dhoobay

Wadooyinka muhiimka ah ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhoobay ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka kuwaa ammaanka caasimada adkeenaya.

Ciidamada ku sugan wadooyinka xiran ayaa gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka u diidaya in ay halkaasi maraan, waxa ayna ciidamada goobaha qaar xittaa u diidayaan in dadka lugeenaya maraan.

Wadooyinkan ayaa loo xiray imaanshaha madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, waxaana hadda socda qaban qaabada soo dhaweynata madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u imaanaya in uu xarigga ka jaro  dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA, xaruntan dhismaheeda waxaa horey u dhagax dhigay Madaxweyne Geelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -