Sheekada iyo sida ay u dhacday Ninkii 72 masas ah qol kula jiray 72 saacadood

Neelam Kumar Khaire, oo ah aqoonyahan ku gaaroobay baxaalliga iyo dhaqanka masaska iyo xamaalatada, wuxuu heystaa rikoor aan jebin. Isaga oo da’yar ayuu 72 saacadood oo xiriir ah wuxuu xero kula jiray 72 masas ah. Wuxuu caddeeyey in masasku aanay qaniinyada la dhalan balse ay tahay wax laga keensado haddii la maago.

Sannadkii 1980-kii, isaga oo 28 jir ayuu isku dayay inuu tijaabiyo la-dhaqanka masaska si uu isaga bareejeeyo rikoor u yiilay baadari Koofur Afrikaan ah oo lagu magacaabo Peter Snyemaris, kaas oo 50 saacadood oo xiriir ah meel kula jiray 18 masas ah.

Wuxuu is tusay in qof Hindi ah aysan ku adkeyn inuu sidaas oo kale sameeyo. Hayeeshe, markii uu booliska u sheegay qorshihisa ah inuu doonayo xero in lagula xiro masas badan, way ku gacanseyreen. Laakiin doonistiisii adkeyd waxay keentay in ugu dambeyn loo ogolaado.

Wuxuuna qol ka sameysan dhalooyin iskula xiray 72 masas ah muddo dhan 72 saacadood bishii Janaayo sannadkii 1980-kii.

Neelam hadda, isaga oo heysta rikoorkiisa aan wali la jebin, wuxuu noloshiisa u hibeeyey daryeelka isaga oo daryeelka noolaha aqoontooba iyo kuwa halista ugu jira inay martaan. Wuxuuna aas-aasay Uttara School of Environment.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -