Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xulka Argentina oo si xarago leh ugu soo baxay finalka Koobka Aduunka

Xulka kubada cagta Argentina ayaa u soo baxday finalka koobka aduunka ee ka socda Qatar ka dib markii ay 3-0 kaga adkaadeen Xulka Croatia.

Messi ayaa gool u badalay rigoore waxaana labada gool ee kale dhaliyey Julián Álvarez waxayna finalka wada ciyaari doonaan France ama Morocco oo habeen dambe ciyaaraya midii soo baxda

Waa finalkii labaad ee Messi uu ka cayaaro Koobka Adduunka – Argentina ayaa ku guuldareysatay koobkii aduunka ee Jarmalka 2014 oo ay finalka u soo baxeen

Messi ayaa aad uga farxiyay taageerayaashiisa Waxaana uu qaadanayaa masuuliyada ah inuu Argentina ku hogaamiyo koobkii seddexaad ee Koobka Adduunka.

Xulka Croatia ayaa ku guuldareystay isku daygii ay ku doonayeen inay mar kale ku gaaraan finalka koobka adduunka, waxaana koobkii aduunka ee ka dhacay Ruushka 2018 oo ay finalka yimaadeen koobkii ka qaaday xulka France.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil mudo 40-Daqiiqo ku hoos aasnaa Baraf kusoo dumay oo Nolol lagu helay !!

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shacab Careysan oo maanta banaan bax ka dhigay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---