Madaxweyne Biden oo ku dhawaaqay qorsheyaal cusub oo ka dhan ah COVID-19

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in malaayiinta qof ee u shaqeeya Dowladda Federaalka Mareykanka looga baahnaan doono in ay keenaan caddeyn muujineysa in ay qaateen tallaalka cudurka COVID-19 ama ay diyaar u noqdaan in ay si joogta ah u maraan tijaabada Coronovirus.

Biden ayaa sidoo kale ku dhawaaqay, in dhammaan xarumaha dowladda federaalka Mareykanka dib loogu soo celin doono amarrada lagu yareeyo faafista cudurka COVID-19, sida xirashada maaska oo lagu waajibin doono dadka tallaalan iyo kuwa aanan wali istallaalin iyo in dadku ay kala fogaadaan.

Sida ay sheegeen ilo ku dhaw dhaw Aqalka Cad, madaxweyne Biden ayaanan qasab uga dhigi doonin shaqaalaha federaalka in ay istallaalaan.

Siyaasaddan cusub ee ay dowladda ku rabto in ay ku dhiirigeliso tallaalka cudurka COVID-19 ayaa ka danbeysay kaddib marki uu gudaha Mareykanka si aada ah ugu faafay tafiirta cusub ee Delta oo ka mid ah nuucyada cudur sidayaasha dhaliya xanuunka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -