Nin la tuhunsanaa inuu basaas u ahaa Imaaraadka oo isku dilay Turkiga

Qof ka mid ahaa rag dalka Turkiga loo xiray inay basaas ahaayeen horraantii bishan ayaa isku dilay gudaha xabsiga Warbaahinta dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay iney Imaaraatka Carabta kala shaqeynayo sidii macluumaad looga heli lahaa dadka u dhashay Imaaraatka ee magengelyada siyaasadeed ku joogo Turkiga.

Wararka waxay sheegayaan in raggan uu ku socdo baaritaan ku aadan suurtagalnimada ah inay ku lug lahaayeen dilka weriyihii Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Khashoqji.

Kashoqji ayaa la dilay sannadkii la soo dhaafay markii Sucuudiga uu koox u diray Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in ragga dilay weriyaha ay xiriir dhaw la lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -