Allbanaadir.com
NEWS

Kuuriyada Waqooyi oo Jawaab adag ka bixisay Cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa jawaab adag ka bixisay Cunaqabateyn cusub oo golaha Amaanka Qaramada Midooba kusoo rogeen dalkaasi, kadib markii Kuuriyada Waqooyi ka biyo diiday joojinta horumarinta iyo tajaabooyinka hubka Nukliyeerka.

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa si adag looga jawaabay cunaqabateynta cusub, waxa ayna dowlada sheegtay in Cunaqabateyntaasi tahay daan daansi dagaal.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan hawlahooda ku aadan hubkooda difaaca Nukliyeerka iyo Gantaalada oo ay sheegeen inuu yahay gaashaankooda ay isaga difaacayaan duulaanka Maraykanka.

Cunaqabateynta cusub ee golaha amaanka kusoo rogeen Jimcihii Kuuriyada Waqooyi ayaa dhigayay in Muwaadiniinta dalkaasi ee dalka dibadiisa ka shaqeeya in dalkooda dib loogu celiyo labo sano gudahood iyo sidoo kale in la joojiyo shidaalka dalkaasi loo iib geyn jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Wasaaradda A/Dibada su’aalo xasaasi ah laga weydiyay faragelinta Itoobiya

Caydiid Ali

Tanaasulkii uu sameeyay Darteed Siyaasigan malaga yaabaa in sanadkan loo doorto Madaxweyne

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaarayaal hore oo gaaray Garawe iyo Waan waan halkaasi ka bilaabatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---