Isra’iil oo siideysay sadex nin oo u dhashay dalka Turkiga (Daawo Sawirada)

Maxkamad kutaala Israa’il ayaa maanta sii deysay Sadex nin oo Turki ah ay xireen Ciidamada amaanka Israa’il , waxaana ragan lagu qabtay  magaalada barakeesan ee Qudus.

Sadaxdan nin ay xireen Ciidamada Israa’il ayaa maalintii jimcaha ka qeyb galay banaan bax looga soo horjeeday Israa’il iyo Go’aankii Mareykanka oo ka dhacay banaanka hore ee Masjidul Aqsaa.

Israa’il ayaa ragan u dhashay dalka Turkiga ku eedeesay in  ay abaabuleen banaan bax looga soo horjeeday sidoo kale gacanta ula tageen ciidamada amaanka oo kala eryayay dadka banaan baxa dhigayay.

Ragan Maxkamada lasoo taagay ayaa iska diiday eedeynta loo soo jeediyay, waxa ayna sheegeen in ciidamada Israa’iil awood u adeegsadeen xili ay booqanayeen masjidka barakeesan ee Al Aqsaa.

Maxkamada qaadeysay dacwada loo heestay sadaxdan nin ee u dhashay dalka Turkiga ayaa markii damkbe damiin kusii deysay, waxaana labo kamid ah ragan heestaan dhalashada dalka Biljamka.

Dhulka Falastiin waxaa wali ka socda banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeedo go’aankii dowlada Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsatay Caasimada maamulka Israa’il.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -