Diyaarad Helicopter ah oo Baydhabo lagu geeyay Sargaal kasoo goostay Al Shabaab 

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta magaaladaasi la geeyay sargaal sare oo kasoo goostay dagaalyahanada Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku helnay sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana sargaalkan oon wali magaciisa aanan helin diyaarad Helicopter ah lagu geeyay magaalada Baydhabo.

Sargaal katirsan ciidanka Maamulka Koomfur Galbeed Soomaaliya ayaa Idaacad kutaala Muqdisho u sheegay in Baydhabo kusoo dhaweeyeen Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo galabta Baydhabo la keenay.

Wararka kale aan heleyno ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo sidoo kale la geeyay gaari Cabdi Bille ah uu lasoo baxsaday sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab iyo sidoo kale xubno la socday.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan wali faah faahin ka bixin sargaalkan la sheegay in uu kasoo  goostay Al Shabaab ee maanta laga dejiyay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey usoo noqday kuxigeenkii Amiirka Al Shbaaba ayaa dhawaan isku soo dhiibay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana hada Abuu Mansuur wadahadalo kula jiraa sida uu sheegay dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
=Niarobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -