Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisey 3 qof oo ay ku jirtay haweeney

Fagaare ku yaalla Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa waxaa galabta ka dhacay xukunno dil ah oo lagu fuliyay saddex ruux oo haweeney ay ku jirtay.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa ku riday xukun dil ah Maxamuud Cabdi Abshir (Madaxey) oo jiray 32 sano ka dib markii lagu eedeeyey inuu horay u dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdi Warsame.

Qaadiga Maxkamadda oo goob fagaare ah xukunka Maxkamadda ka akhrinayay ayaa sheegay in ehellada lahaa dhiigga Ninkii horay loo dilay ay doorteen in loo qisaaso ayna diideen inay diyo qaataan ama cafiyaan.

Dhinaca kale, Fagaaraha weyn ee magaalada Jilib waxaa isla galabta lagu toogtay laba askari oo Al-shabaab ay sheegtay in lagu soo qabtay dagaalkii bishii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Askarta la dilay ayaa mid ka mida Waxay aheyd haweenay waxaana Maxkamada al-shabaab ay ku riday xukun dil ah lamAna shaacin magacyadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Farmaajo oo kumannaan shacab ah kala qayb galay dabaaldegga 1da Luulyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo xaqiijisay in Xasan Sheekh Jarmalka kala hadlay qaxootiga lasoo celinayo

Cabdi Cade

Safiirka cusub ee Somalia u magacowday USA oo aqoonsiga laga gudoomay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---