Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo loogu deeqay ku dhowaad 160 Milyan oo dollar

Dowlada Britan ayaa shaacisay iney dhaqaale fara badan ugu deeqday dalal afrikaan ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Xoghayaha arimaha dibadda UK Demonic Raab ayaa ku dhawaaqay in 119 Milyan oo ah  lacagta UK ah, taasoo u dhiganta 158 Milyan oo dollar oo loogu talo galay la dagaallanka karona iyo gaajada wadamada soo koraya.

Mr. Demonic Raab ayaa tilmaamay in lacagtan ay tahay mid loogu talo galay wadamada Soomaaliya,Yemen, DRC Congo, South Sudan iyo Central African Republic.

Britain ayaa ka mid ah dalalka deeqda bixiya ee sida weyn uga taageera Somalia arrimo badan oo ay ka mid yihiin, gargaarka, dowlad wanaaga iyo adeegyada bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raila Odinga oo mar kale shaaciyey go’aan aysan ku farxin dowlada Kenya

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo ku baaqay in baaro qaabkii loo maareeyay Weerarkii Cowsweyne

Cabdi Cade

Marwada Koowaad ee dalka oo fariin muhiim ah u dirtay haweenka Soomaaliyed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---