Ciidamo katirsan Gor Gor oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho (Sawirro)

Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gor Gor ayaa tababar loogu soo xiray xerada Jeneraal Daa’uud ee kutaala magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaan Tababar Ugu Soo Xiray Xerada Jeneraal Daa’uud Dableyda Horinta Taliska ee ururka 7-aad kumaandooska Xoogga Dalka Gor Gor.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa la siiyay shahaadooyin, waxaana ciidanka lagu amaanay sida hufan ay uga soo dhalaaleen tababarka uguna diyaarsan yihiin difaaca dalkooda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ugu baaqay ciidamada Gor Gor ee tababarka loo soo xiray in ay u diyaar garoobaan howlgalada dalka looga saarayo dagaalyahanada hubeesan ee dowlada kasoo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -