Madaafiic caawa la isku weydaarsaday degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

Madaafiic ayaa caawa xoogaga Al-Shabaab  waxay ku weerareen xaafado ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Warka ayaa intaa ku daraya in madaafiicdan oo ahaa nooca loo yaqaano hoobiyeyaasha aan la ogeyn halka laga soo riday.

Inta badan madaafiicdan ayaa ku dhacay xaafada Xaawo taako ee degmada Balcad oo ku dhow fariisimo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Balcad, waxaana la aaminsan yahay in iyaga loola dan lahaa.

Ciidamada AMISOM ayey wararku sheegayan iney ku jawaabeen madaafiic kale oo ay u rideen goobo ka baxsan degmadaas oo ay tuhmeen in laga soo duqeeyey.

Lama oga illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdan balse dadka degmadaas ku nool ayaa sheegaya iney dareemayaan walaac iyo cabsi ka dhalatay madaafiicdda dushooda la isku weydaarsanayo.

Maamulka degmada Balcad ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin dhacdadan, habeen hore ayey aheyd markii sidan oo kale Al-shabaab ay Madaafiic ku weerareen degmadaas, dhowr qof oo shacab ah ayaana ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -