Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin war kulul kasoo saaray Dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Baydhabo

Midowga musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii saakay lagu qaaday guri Baydhabo ku leeyahay musharax Madaxweyne Maxamed Aadan Fargeeti .

Musharaxiinta ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday guriga Fargeeti ka dambeeyeen saraakiil katirsan ciidamada milatariga, booliiska, iyo NISA, waxa ayna tacsi u direen dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Baydhabo.

Qoraalka kasoo baxay midowga musharaxiinta Koonfur Galbeed ayey ku sheegeen in Laftagreen ku yimid doorasho dhiig ku daaday, haddana uu mar kale dhiig u daadinayo sidii uu kusii joogi lahaa kursiga.

Related posts

Xamse oo loo gudbiyey dokumenti xasaasi ah oo ku saabsan Wasaaradda..

Caydiid Ali

Digniin laga soo saaray xaalad Halis ah oo kusoo wajahan magaalada Baledweyne (Akhriso)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo dhisay isbaheysi ka shaqeeya xal laba dowladood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---