Wasiir ka hadlay weerar galabta lagu rasaaseeyey Kolonyo uu la socday Xassan Shiikh

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay RW Rooble inuu talaabo ka qaado ciidankii galabta Muqdisho ku rasaaseeyey gaadiid uu la socday madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh

Ciidamo ku sugan agagaarka Maxkamadda gobolka Bamaadir ayaa rasaaseeyey baabuurkii uu saarnaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka badbaaday weerarkaas.

“Ma ahan markii koowaad ee ciidamada halkaas ku sugan ay weeraraan mas’uuliyiin wadadaas maraysa, waxaana laga sugayaa Raysulwasaare Rooble inuu tallaabo degdeg ah oo sharciga waafaqsan uu ka qaado ciidamadaas iyo ciddii ka dambaysay amarka weerarka” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Waxaa uu intaas ku daray ineysan aheyn markii ugu horeysay ee weerar noocan ah uu ka badbaado Xassan Shiikh.

“Weerarkii galabtay ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu beegsado madaxweynihii hore Xasan Sheekh isla markaana ku soo beegmaya markii la xalliyey xasaradii ka taagnayd magaalada Muqdisho” ayuu intaas ku daray Fiqi.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in rasaastii lagu furay Kolonyadii uu la socday madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ay ahayd isku day dil oo lagu khaarijin lahaa.

Xildhibaan oo hore u soo noqday Wasiirkii Amniga ayaa sheegay inay isaga iyo Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe la socdeen Madaxweynihii hore, arrintaasina ahayd daandaansi aan la aqabali karin.

“Ra’iisal wasare Rooble waa inuu baaritaan ku sameeya isku dayga Dil ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud. Waxay arrintan dhacday daqiiqado ka hor. Aniga taliyihii hore ee NISA Sanbalolshe ayaan la soconay Madaxweynaha” ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -