W/Kuuriya oo soo bandhigtay ICBM Missile & Maraykanka oo ka naxay (Sawirro)

Gantaal cusub oo ay Kuuriyada Woqooyi ku soo bandhigtay dhoolatus milatari ayaa ah hanjabaad cad oo ka dhan ah difaaca Mareykanka iyo caqabad muuqata ee madaxweynaha xiga ee Mareykanka, sidaasi waxaa sheegay falanqeeyayaasha.

Kim Jong Un ayaa daawaday gantaalaha qaaradaha isaga gudba (ICBM) oo ku wareegaya Fagaaraha Kim Il Sung square ee magaalada Pyongyang oo dhoolatuskan aan horay loo arag lagu qabtay habeenkii Sabtida.

Gantaalka ayaa lagu qiyaasay 24 mitir oo dherer ah iyo 2.5 mitir ballaca ah iyadoo uu khabiir Markus Schiller uu sheegay in uu awood u leeyahay in uu qaado 100 tan oo shidaal ah taasi oo qaadaneysa saacado badan in lagu raro.

Dadka Falanqeeyayaasha ayaa isku raacay in uu ahaa gantaalkii ugu weynaa ee guurguura kuna shaqeeya dareere, ayna u badan tahay in loogu talagalay in uu xambaaro madaxyo badan oo hubka wax gumaada ah.

Jeffrey Lewis oo ka tirsan machadka Middlebury ee Daraasaadka Caalamiga ayaa sheegay in “si cad lagaga dan leeyahay in lagu muquuniyo nidaamka difaaca gantaalaha Mareykanka ee Alaska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -