67 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Sh/dhexe & Jen. Odowaa oo gaaray..(Sawirro)

Wafdi uu Hoggaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha ciidanka dhulka iyo Wasiir-Dowlaha Gaashaandhigga ayaa maanta kormeeray Magaalada Al-kowsar ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Wefdiga taliyaha ayaa waxaa Al-Kowsar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo Qeybaha Bulshada magaaladaas.

General Odawaa ayaa Bulshada Reer Kowsar uga mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo sida Ciidamada ugu garab istaageen in Khawaarijta laga Ceyriyo magaalada.

Dhinaca kale Howlgal Qorsheysan oo xalay ka dhacay degaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa lagu dilay 67 ka tirsan Al-shabaab sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka dhulka General Maxamed Tahliil Biixi.

- Advertisement -