Toogasho ka dhacday Paris & Booliska France oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Toogasho ka dhacday bartamaha magaalada Paris ayaa waxaa ku dhintay labo qof afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Eedeysane oo 69 jir ah ayaa la xiray.

Sababta toogashada ma cadda ilaa hadda. Xafiiska dacwad oogaha Paris ayaa furay baaritaanka dilka wuxuuna ka shaqeynayaa xaqiijinta aqoonsiga tuhmanaha.

Booliiska ayaa xiray agagaarka xaafadda 10-aad ee caasimadda Faransiiska, waddo mashquul badan oo ay ku yaallaan dukaamo iyo maqaayado ku dhow saldhigga tareenka ee Gare de l’Est.

Toogashadan ayaa timid xilli Paris ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo diyaar garow ah ka hor inta aan la gaarin fasaxa ciida Kirismaska.

Waaxda booliiska Paris ayaa uga digay dadka inay ka fogaadaan aagga halka shaqaalaha gurmadka ay ku sugan yihiin goobta.

Laba ka mid ah afarta qof ee la dhaawacay ayaa xaaladoodu liidataa, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta.

Xeer-ilaaliyeyaasha la-dagaallanka argagixisanimada ayaa xiriir la leh baarayaasha laakiin ma aysan sheegin iney jiraan wax calaamad ah oo muujinaya in weerarkan uu xiriir la leeyahay argagixisanimo.

Faransiiska ayaa sanadihii 2015-2016 waxaa ka dhacay weeraro lagu hoobtay oo ay geysteen kooxaha xagjirka ah ee Islaamka, waxaana ay weli ka feejigan yihiin rabshado la xiriira argagixisanimada.

- Advertisement -