Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo dhalasho siiyay Nin sir badan ka faafiyay Mareykanka si weyna u raadinayaan

Dowladda Ruushka ayaa dhalashada dalkeeda siisay 75 qof oo ajaanib ah oo dalkaasi kunool, kuwaa oo ay ku jiraan dad si weyn u baadigoobayaan sirdoonada Mareykanka iyo kuwa reer Galbeedka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada ee Ruushka, Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa lagu shaaciyay magacyada dadka ajaaniibta ah ee la siiyay dhalashada dalka Ruushka, kuwaa oo hadda kaddib kamid noqonaya muwaadiniinta Ruushka.

Dadka la siiyay dhalashada Ruushka waxaa kamid ah Edward Snowden oo u shaqayn jiray hay’adaha amniga ee dalka Maraykanka, ninkan ayaana horey u faafiyay xogo sir ah oo si faahfaahsan uga hadlaya barnaamijyada basaasnimada ee Maraykanka.

Snowden oo ahaa qandaraasle ka tirsan hay’adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanka, ayaa tan iyo sannadkii 2013 wuxuu ku noolaa dalka Ruushka, isaga oo ka dhuumanayey inuu u gacan galo saraakiisha Maraykanka.

Dowladda Mareykanka ayuuna ka carreesiin doonaa go’aanka dowladda Ruushka dhalashada dalkeeda ku siisay muwaadinkan asalkiisu Mareykanka yahay ayna dowladda Mareykanka si weyn u baadigoobeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Gudoomiyey shir looga hadlay lix qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Darawal si farsameesan booliiska Kenya ugu gacan galiyay Labo nin hubeesan oo …

Cabdi Cade

Dowlada federaalka oo la sheegay in Akoonka Galmudug kala baxday lacag ka badan 5-Milyan Dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---