Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Milatariga oo ka hadlay hub la sheegay in lagala baxay Wasaaradda Gaashaandhigga

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa si adag u beeniyay hub la sheegay in lagala baxay xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa ayna taliska u digeen dadka faafiya wararka been abuurka ah.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye kuxigeenka Gen. Maxamed Cali Bariise ayaa beeniyay wararka la baahiyay ee ku aadan in hub kala duwan lagala baxay xarunta Wasaarada Gaashaandhigga.

“Waa been aan sal iyo raad toona laheyn ay tahay wararka sheegaya in hub lagala baxasaday Wasaaradda Gaashandhigga iyo Taliska XDS. Waa been lagu marin haabaabinayo Ra’yi caamka ah ee dadweynaha oo ay hurinayaan cadowga umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri kusimaha taliyaha milatariga.

Gen. Maxamed Cali Bariise ayaa uga digay dadka faafiya wararka been abuurka ah ee bulshada lagu marain habaabinayo, waxa uuna ugu baaqay dadkaasi in ka waantoobaan been abuurka iyo meel ka dhaca sharafka Ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir kale oo deg deg ah loogana hadlayo xaalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo la qabanayo

Cabdi Cade

Ciidanka Soomaaliya oo helay Diyaarado iyo hub culus ay ku dagaal galaan

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya oo yeeshay Iskaashi cusub oo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---