Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Maxaa lagu daahfuray Munaasabada uu xalay Cali Guudlaawe ku qabtay Jowhar? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Magaalada Jowhar ka daah-furay Macadka Tababarada Shaqaalaha Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo ka hadlay furitaanka Munaasabada ayaa sheegay in machadku yahay xarun ku takhasustay dhisidda kartida shaqaalaha, cilmi-baaris, talo bixin, qiimeyn iyo lasocod, naqshadayn iyo hirgelinta tabo xal loogu raadinayo caqabadaha maamulka iyo maareynta dowliga ah ee Hirshabeelle.

Machadkaan ayaa loogu tala galay inuu qeyb weyn ka qaato soo saarista shaqaale aqoon iyo xirfad u leh in ay horumariyaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Hirshabeelle oo ah kuwa da’yar oo ku jira wajiga koritaanka. Taabba-gelinta barnaamijyada Tababarka Shaqaalaha Dowladda Hirshabeelle waxaana iska kaashan doona khuburro iyo hay’addo Soomaali iyo ajaanib iskugu jira si aqoonta shaqaalaha kor loogu qaado.

Machadkaan ayaa loo aas-aasay Tababarada Shaqaalaha Dowladda Hirshabeelle waa in kor loo qaado hufnaanta iyo wax ku-oolnimada Maamulka Guud ee Hirshabeelle iyadoo loo marayo tababaro dhamaystiran, latalin, cilmi-baaris iyo qiimeyn joogta ah.

Related posts

Madaxweyne Lafta Gareen iyo Shariif Xasan oo Caawa kulan yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo Madaxda dalalka islaamka la wadaagay mowqifka Somalia ee xaaladda Gaza

Caydiid Ali

NISA oo gacanta ku dhigtay nin fududeeyay ilaa 9 qarax oo Al Shabaab fulisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---