Allbanaadir.com
NEWS

NISA oo gacanta ku dhigtay nin fududeeyay ilaa 9 qarax oo Al Shabaab fulisay

Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya  ee NISA oo gacanta ku dhigay nin katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo NISA sheegtay in kooxda u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka ay u adeegsadaan qaraxyada.

Ninkan ay ciidamada NISA gacanta ku dhigeen ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji),  waxaana la sheegay in xubin muhiim ah ka ahaa shabakadda Al Shabaab u qaabilsan qaraxyada ismiidaaminta ah iyo hubinta gaadiidka qaraxyada loo adeegsado.

Qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ninkan ku lug lahaa cillad bixinta ilaa sagaal gaari oo kooxda Al Shabaab qaraxyo u adeegsadeen, waxaana la sheegay in ninkan uu gaari Harier ah oo lagu qarxiyay hotelka SYL uga soo dhiibay Ceelasha Biyaha ninkii ismiidaamiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Surwaalo Jeans duug ah oo lagu kala iibsaday lacag waali ah iyo sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Salman Rushdie oo toorey si xun loogu dhaawacay xilli uu masrax Hadal ka jeedinayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Barakacayaal ku sugan Dharkeenley (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---