Faahfaahin: Dagaal culus oo saaka ka qarxay Magaalada Baydhabo

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo dagaal xooggan ayaa saaka ka bilowday gudaha magaalada, waxaana lagu soo waramayaa inuu u dhaxeeyo ciidan ka amar qaata Maamulka Koofur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaas.

Dhawaqa rasaasta ayaa si wayn looga maqlayaa gudaha gagaalada Baydhabo inkastoo aan la ogayn khasaaraha rasmiga ee kadhashay dagaalka

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Maamulka Koofut Galbeed iyo mucaaradka kasoo horjeeda.

Muransanayaasha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa saddex sano kahor madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen u kordhiyey hal sano muddo xileedkiisa, kaas oo dhammaanaya 19, 2023.

Laakiin mucaaradka ayaa ku gacan-seyray kordhinta muddoo xileedka madaxweynaya. Ilaa iyo hada xabada way socotaa wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco halkan insha allah

- Advertisement -