Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay & duqa Muqdisho oo ka waramay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xog ka helay Shacabka kunool degmada Wadajir ay ku guuleysteen inay soo qabtaan Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqa Muqdisho ayaa uu u mahadceliyay Shacabka kunool degmada sida ay ula shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka.

Yarisow ma sheegin Magaca iyo xilka uu hayay ninka ay qabteen ciidamada Ammaanka , laakiin waxaa uu sheegay in ay ku waddaan baaritaano.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaasoo doonayey inuu ku dhex dhuumaalleysto shacabka. aad ayaan ugu bogaadinaynaa Bulshada Caasimadda feejignaanta ay kaga jiraan argagixisada iyo sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka” ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -