Dhalinyaro dhac yaab leh ka geysatay Hargeysa oo la soo qabqabtay (Daawo Sawirro)

Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro ku nool Magaalada Hargeysa ka dib markii ku dhaqaaqeen fal fool xun oo ahaa inay dhac u geysteen dad masaajid ku cibaadeysanayay iyo Imaamkii tujinayey.

Falkan oo dhacay xalay ayaa waxa geystay 7 dhallinyaro ahaa oo galay masaajid ku yaala xaafadda Sheekh Nuur iyagoo dadkii ku cibaadeynayay ka qaatay mobeylo iyo allaabo kale.

Booliska Somaliland oo markii uu falkaas dhacay kadib howlgal sameeyay ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaradan.

Afhayeenka ciidamada booliiska Somaliland oo warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada ay masaajidka ku weerareen tooshash ay dadka indhaha kaga qabanayeen si ay u jahwareeriyaan ayna ku hubeysnaayeen baangado.

Waxaa uu intaas ku daray in markii ay weerarka geysanayeen ay xirnaayeen maasgaraha wajiga lagu xirto si aanan loo aqoonsan.

Shacabka Magaalada Hargeysa oo arrintan maanta si weyn u hadal hayey yaa sheegay iney markasta maqlaan falal dhac oo la geystay balse ay la yaabeen sida dhalinyaradan ay ugu dhiiradeen iney dhacaan dad masaajid ku cibaadeysanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -