Hanti dhowrka Qaranka oo ka hadlay dembiga loo heysto Wasiir ku-xigeenka A/dibeda

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Max’ed Max’uud Cali (Afgooye) ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud loo heysto ku takrifalka Hantida Qaranka.

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa tilmaamay in 4-tii bishii April ee sannadkan uu Gal-dacwaddeed ka dhan Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda u gudbiyey xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaasoo la xiriiriyey ku takrifal Hantida Qaranka iyo musuqmaasuq.

“Masuulkaas oo uu magaciisu yahay Mukhtaar Mahad Daauud ayaa sameeyey ku takrifal aan wali wadankan ka dhicin, isagoo ku xadgudbay shuruucda u dagsan maamulka Maaliyadda, gaar ahaan dakhliga wadanka u soo xarooda ”ayuu yiri Hanti-dhowraha guud ee Qaranka.

Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo hey’adaha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan.

“Xafiisku markuu baaris ku sameeyey waxaa u cadaatay iney jiraan waxyaabaha uu soo gudbiyey hanti-dhowrka Qaranku” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

Ciidamo wata amar maxkamadeed oo lagu soo xirayo Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya  inkastoo markii dambe ay xaalada soo fara geliyeen madaxda sare ee dowlada, wasiirkana la sii daayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -