Faah Faahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saakay ka dhacay Muqdisho

Waxaa saakay qarax miino nuuca dhulka lagu aaso uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad ee ku dhaw Isgooska KM-4 , waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana gaarigaasi la sheegay in qaraxa waxyeelo kasoo gaaray.

Qaraxa ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in ay ku dhinteen labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya halka tiro kalana ku dhaawacmeen, lamana sheegin khasaaro qaraxan kasoo gaaray dad shacab ah.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka, waxaana qaraxyadan inta badan lala eegtaa gaadiidka ciidamada iyo kuwa masuuliyiinta la socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -