Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aas Qaran oo loo sameeyey Meydka Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda (Sawirro)

Waxaa duhurnimadii maanta oo Khamiis ah, barxadda Isbitaalka Madiina ee Muqdisho lagula dukaday Salaadda Janaasada meydka shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka mid ahaa lataliyeyaasha sare ee Siyaasadda Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax, Danjireyeyaal, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo shakhsiyaad caan ah iyo qaar ka mid ah qoyskiisa.

Meydka oo lagu aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ka qeybgalay dadyow badan.

Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda, ayaa sidoo kale qabtay xilalka wasiirnimo ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.

Xuseen Ceelaabe Faahiye oo 82 sano-jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar argagaxiso oo loo adeegsaday gaari biimaysan oo naftii halige uu kaxaynayay oo beegsaday tiro gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Taallada Daljirka Dahsoon saacadihii hore ee subaxnimadii shalay ee Arbacada ( 22 May, 2019).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin ka carooday xaaskiisa oo socday in ka badan 420-KM iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade

Islaan 90-sanno jir ah oo Shan maalin kaddib laga helay bur burka dhisomo dhul gariir ku dumay

Cabdi Cade

Ruushka oo Weerar Cir iyo dhulka ah ku qaaday Ukrine iyo Xaalada Dalkaasi oo faraha ka baxday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---