Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Korontada, Biyaha & Internetka oo laga jaray Jigjiga & Meydad jidadka dhex yaalla

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa waxay sheegayaan in korontada, Biyaha iyo qadkii internetka laga jaray magaaladaas.

Talaabadan ayaa ka dambeysay rabshado xoogan oo magaalada ka dhacay manta kuwaasoo looga soo horjeeday ciidamada milateriga ee qabsaday xarumaha maamulka ee magaaladaas.

Dhinaca kale, ugu yaraan toban qof ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen rabshadihii iyo boobkii maanta ka dhacay magaalada Jigjiga iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Shan ka mid ah meydadkan ayaa yaala bartamaha iyo xaafado ka tirsan Magaalada Jigjiga, Waxaana dadka la dilay ay u badan yihiin dad ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya.

Ciidamadii milateriga ee saaka la wareegay magaalada Jigjiga ayaa iyana la soo sheegayaa in dibeda looga saaray magaaladaas markii ay sii xoogeysteen rabshadaha looga soo horjeeday.

Waxaa yara degan xaalada magaalada Jigjiga inkastoo xiisad xoogan ay weli ka aloosan tahay, waxaana magaalada laga dareemayaa saameynta ka dhalatay  dibad baxyadii rabshadaha watay ee saaka ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

 

Related posts

Xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dib u dhacday iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Donald Trump oo weerar afka ku qaaday Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Injineetro Turki ah iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---