Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabley la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada amaanka DF ayaa sheegay iney suuqa Bakaaraha ku dileen rag hubeysan oo ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ku toogtay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaasoo ku hubaysnaa laba qori” ayaa lagu yiri qoraal laga baahiyey Warbaahinta Qaranka.

Raggan ayaa lagu eedeeyey iney isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

“Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaajta ay saarnaayeen Khawaarijtan iyo Darawalkii Mootada u waday” ayaa lagu yiri warka laga sii daayey warbaahinta DF.

Goob joogayaal ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey in ciidamada amaanka ay labo nin oo hubeysnaa ku dileen Suuqa bakaaraha hase ahaatee lama oga raggaasi inay ka tirsanaayeen al-shabaab iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Guddiyada doorashada FEIT & SEIT Jubaland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Daah-furay imtixaan ay u fariisteen kumanaan arday ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---