Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Injineetro Turki ah iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray ayaa ka dhacay laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye gaar ahaan agagaarka Deegaanka Lafoole .

Qaraxan ayaana lala eegtay Injineerada Turkida ah ee dhisaya laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ruuxa qaraxa isku soo xiray qarxay markii uu kusoo dhawaaday goobtii ay joogeen Injineerada Turkida ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada booliiska ee Haramcad ee ilaalada ka hayay Injineerada ka shakiyeen ninka is qarxiyay kuna rideen rasaas taa oo sahashay in khasaaraha qaraxan uu yaraado.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka booliiska iyo ninkii is qarxiyay ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in mid kamid ah Injineerada Turkiga ku dhaawacmay qaraxa.

Injineerada Turkida ah ee dhisaya laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo Afgooye oo hada heer gabo gabo ah maraya ayaa marar badan lala beegsaday qaraxyo ismiidaamin ah iyo qaraxyo miino.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -