Donald Trump oo weerar afka ku qaaday Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeesay goob fagaare ah khudbad ka jeediyay tan iyo markii xilka Madaxweynaha ka degay kuna wareejiyay xilkaasi Madaxweynihii ka guuleestay ee Joi Biden.

Trump oo khudbadiisa kaga hadlay arimo badan ayaa eedeyn xoogan u soo jeediyay Madaxweynaha cusub ee Mareykanka uu sheegay in uusan waxba qaban inta yar uu xilka hayay .

“Joe Biden waxaa soo martay bishii ugu fashilka badneyd ee uu wajaho madaxweyne ka taliya Maraykanka taariikhda casriga ah. Durbadiiba maamulkiisa waxa uu muujiyay inuu ka horjeedo shaqooyinka, qoysaska, xuduudda, tamarta, dumarka iyo weliba sayniska,” ayuu yiri Trump

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump oo mar kale damac uga jiro in uu u tartamo xilka Madaxweynaha afar sano kadib ayaa sheegay in uusan dhisi doonin xisbi cusub balse boorka laga jafi doono Xisbiga Jamhuuriga lana xoojin doono.

“Waxaan halkan u joognaa inaan ka hadalno mustaqbalka dhad-dhaqaaqeea, mustaqbalka xisbigeena iyo mustaqbalka dalkeena aan jecelnahay, waxaan haysanaa xisbiga Jamhuuriga. Waxaan ka shaqeyn doonaa midnimadeena iyo in aan xoojinno xisbiga si ka wanaagsan sidii hore.” ayuu yuri Trump.

Donald Trump ayaa warkiisa la waayay tan iyo markii uu xilka ka degay, waxaana wali saaran xayiraad dhinaca baraha bulshada oo lagu soo rogay taa oo meesha ka saartay qoraaladii uu soo dhigi jiray Facebook iyo Twitter.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -