Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay rabshidihii Jigjiga

Xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay in shacabka magaalada Jigjiga dhibaato badan loo gaystay.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Idiriis Ismaaciil Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu nabad qabo.

Idiriis Ismaaciil Cabdi ayaa sheegay in ciidamada magaalada jigjiga qabsaday aysan aheyn kuwii federaalka Itoobiya balse ay yihiin ciidamo ka tirsan qowmiyada Oromada oo ay mudooyinkan ay dagaalamayeen Soomaalida.

Waxaa uu sheegay in ciidamada soo galay magaalada ay dil iyo dhaawac u geysteen shacabka magaalada, isagoo sharci daro ku tilmaamay ciidamada federaalka ee soo galay federaalka.

Waxaa uu beeniyey wararka sheegaya in Maamulkiisa uu waday qorshe gooni u goosad ah, ayna doonayeen iney ku dhawaaqaan iney ka go’een itoobiya inteeda kale, wuxuuna xusay in arintaas aysan macquul aheyn, ayna faafinayaan dad been abuur sameynaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

 

Related posts

Maxaa ka jira in Taliye Xijaar qorshaynayo Xil ka qaadista Farxaan Qaroole & Farmaajo oo wada..

admin

Wiil 12-sano jir oo lagu tilmaamay Halyey aad u Naxariis badan !!(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dad ku dhamaaday Fiilo koronto oo ku dhacday Suuq laga dukaameysto

Caydiid Ali