Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo saakay Muqdisho ka musaafurisay Wariye Caan ah iyo Waxa lagu heesto

Ciidamada Nabbad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa shalay xanibay weriye Jamaal Maxamed Cusmaan oo ka tirsan telefishinka Channel 4 ee dalka Ingiriiska,wariyahan ayaana kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde .

Sida aan wararka ku helnay wariyaha ayaa markii uu kasoo degay garoonka Aadan Cadde waxaa la wareegay ciidamada NISA, waxa ayna geeyeen hotel kuyaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ,halkaas oo lagu amray in uusan soo dhaafi karin.

Jamal Maxamed Cusmaan ayaa saakay laga masaafuriyay magaalada Muqdisho, waxaana wariyaha horey loo sii saaray diyaarad kusii jeeda dalka dalka Turkiga , Jamal ayaana dhankiisa soo dhigay sawir isaga oo diyaarad saaran.

Wariyahan ayaa loo heestaa in uu wareysiyo ka qaaday hoggaamiyaal sar sare oo katirsan Al Shabaab , waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu xayeesiimo u sameeyay Al Shabaab uuna sheegay in ay awoodaan in talada dalka la wareegaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Waa iney Somalia cashar ka barataa dabinada ku wareegsan deyn qaadashada”

Caydiid Ali

Nin 71-sanno jir ah oon waligiis u dhawwaan lana macaamiil wax haween ah !

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa go’aanka qalafsan ee Kenya ka qaadatay xiriirka Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---