Raisul Wasaare Khayre oo ku soo laabtay Muqdisho ka dib safarkii Puntland

Ra’isal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu socdaal ku maray degaanada Maamulka Puntland oo muddo toddobaad ah uu ku maqnaa.

Khayre oo ay la socdeen qaar ka mida Wasiiradiisa ayaa soo dhameystay socdaalkii shaqo ee degaanada Puntland, waxaanaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Masuuliyiin kala duwan.

Soo laabashada raisul wasaaraha ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisad ay ka taagan tahay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo xarunteeda maanta ay tageen ciidamo wata amar maxkamadeed oo lagu soo xirayo Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya oo loo heysto arrimo musuq, isla markaana xeer ilaalinta ay amartay in la soo qabto inkastoo markii dambe ay xaalada soo fara geliyeen madaxda sare ee dowlada, wasiirkana la sii daayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -