Mucaaradka DDSI oo war ka soo saaray rabshadaha ka socda Jigjiga

Mucaaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka inay is-dejiyaan isla markaasna ay ilaaliyaan nabadgelyada.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiye dhaqameedyada inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo xallinta dhibaatooyinka soo food saaro shacabka.

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay inay ku faraxsan yihiin in milatariga ay soo farageliyaan maamulka Soomaalida.

Mid kamid ah mucaaradka oo ku sugan magaalada Diridhaba ayaa  sheegay inay tegayaan magaalada Jigjiga ayna kulanka labaad ku ballansan yihiin magaaladaasi.

Wuxuu intaasi ku daray in maanta goobo ganacsi la bililiqaystay halka Kaniisado la gubay.

Xubnaha mucaaradka ayaa ka horjeeda madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya iyo xukuuadiisa, iyagoo doonaya in maamulka degaana isbedel lagu sameeyo, waxayna garab ka helayaan dowlada raisul wasaare abiy ahmed.

Rabshadihii ugu xumaa muddo sanado ah ayaa manta ka dhacay magaalada Jigjiga ka dib markii shacabku degaanku ay ka hor yimaadeen ciidanka federaalka Itoobiya oo la wareegay xarumaha maamulka, xaalada magaalada ayaana weli qasan, waxaana loo la boobay bankiyo iyo xarumo kale, iyadoo dab la qabadsiiyey kaniisad ku taalla magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -