Dowlad Carbeed oo kaalin ku laheyd ridista Xukuumadii Ra’isul Wasaare Kheyre !!

Warar soo baxaya ayaa sheegaya dowlada Qadar kaalin weyn ku laheyd radistii Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib markii ay guul dareesteen dadaalo  dowladaasi ku dooneysay in ay ku qanciso Kheyre.

Ra’isul Wasaarihii hore ee  Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawaan safar shaki badan dhaliyay ku tagay dalka Qadar ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday qorshe dowlada Qadar usoo bandhigtay oo ahaa in uu ogolaado mudo kororsi.

Dowlada Qadar ayaana la sheegay in Xasan Kheyre hor dhigtay labo qorshe oo ahaa in uu ogolaado in Dowlada mudo xileedkeeda lagu daro labo sano oo dheeraad ah sidoo kale uusan isku soo sharxin xilka Madaxweynaha inta uu xilkaasi damac uga jiro Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayaana la sheegay in uu ka biyo diiday dalabyada dowlada Qadar soo hordhigtay, waxa uuna taa badalkeeda ku adkeestay in xukuumada uu hogaaminayay ka shaqeeneyso in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo dowlada Qadar oo ka carooday qorshaha Kheyre ayaa isla qorsheeyay in xilka si lama filaan ah looga tuuro iyada oo la adeegsanayo Gudoonka Baarlamaanka iyo dhaqaale xildhibaanada lagu siinayo fulinta qorshahan.

Qorshihii Qadar iyo Villa Soomaaliya ayaana u hir galay sidii loo qorsheeyay, waxaana si lama filaan ah xilka looga tuuray xukuumadii Ra’isul Wasaare Kheyre iyada oona loo soo marin hab raacii saxda ahaa ee Xukuumada kalsoonida lagala noqon lahaa.

Dowlada Qadar oo si weyn u taageerta dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa dooneysa in dowlada ka sameesato mudo kororsi, waxa ayna Qadar ka baqeysaa hadii doorasho dhacdo in laga adkaado Farmaajo iyo xulufadiisa ay taageerto.

Beesha caalamka iyo qaar kamid ah wadamada Soomaaliya taageera ayaa si weyn uga soo horjeestay kalsooni kala noqoshada xukuumada, waxa ay sidoo kale ka digeen qorshaha Farmaajo ku doonayo in mudo kororsi ku sameesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -