Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo la kulmay Maamulada Jaamacadaha ku yaala Muqdisho (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan la yeeshay maamulada jaamacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaana shir gudoomiyay Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Currmar Cusmaan (Eng.Yarisow).

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshadda iyo Wacyigelinta marwo Basma Cumar Axmed, qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee qeybaha G/Banaadir, agaasimayaasha waaxyaha iyo masuuliyii ka socday jaamacadaha.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa sida ugu fudud ay  wada shaqeyn karaan jaamacadaha iyo maamulka Gobolka Banaadir iyo sidii loo hirgelin lahaa amarkii maamulka Gobolka ee ahaa in ardaydu qaataan warqadaha dhalashada iyo sugnaanta ee ay bixiso dowladda hoose ee xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo ka qeyb galaya Shir nuuciisa cusub yahay oo ka furmay Seoul (Sawirro)

Cabdi Cade

Bam laga helay hotel uu degan yahay Madaxweyne Luiz da Silva & baaritaan socda (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Jabuuti oo lagu eedeeyey iney taageero Milateri siineyso Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---