Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Kaniisadii Jigjiga oo la gubay & rabshadaha oo sii xoogeystay

Iyadoo ay ka sii darayaan rabshadaha saaka ka bilowday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaaraya waxay sheegayaan in la gubay kaniisad halkaas ku tiilay.

Kaniisadan ayaa waxaa la sheegay iney wax ku caabudaan dadka aan Soomaalida aheyn ee heysta diinta Masiixiga,.

Hantida ay magaaladaas ku leeyihiin dadka ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la soo sheegayaa in boob iyo bililiqo lagula kacayo.

Dhalinyaro lagu magacaabo (Heego) oo taageera Madaxweynaha maamulka Cabdi Maxamud Cumar ayaa Dhalinyarada taageersan Cabdi Iley ayaa baraha bulshada ka wada olole ay ku sheegayaan in ciidamada la geeyay Jigjiga ay yihiin kuwo Oromo ah, waxayna dadka ugu baaqayaan inay la dagaalamaan.

Ciidamada federaalka ee la dhigay bartamaha magaalada ayaa halkaas baneeyey, iyagoo isku kooban xarumaha maamulka markii ay ka hor yimaadeen kumanaan shacab ah oo tuuryo roobka uga dhigay.

La soco wixi soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiirro cusub iyo Wasiir Fiqi oo laga dhigay …

Cabdi Cade

Qancinta Xildhibaanadii Kaalinta weyn ka qaatay Ridistii Jawaari oo bilaabatay !!

Cabdi Cade

Shariif Xasan: “Waa nasiib saro in hawadii Somalia laga dhigo xabad shacabka lagu dhibaateeyo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---