Khayre oo soo fara geliyey isku day lagu xiri lahaa Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibeda

Wasiirka Arimaha Dibada ee dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad oo jooga magaalada Garoowe ayaa sheegay in la xaliyay murankii saaka ka dhashay isku daygii ciidamo ka tirsan booliska ay ku doonayeen inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka wasaaradda Mukhtaar Mahad Da’uud.

Wasiirka Cawad ayaa sheegay in ciidanku ay wateen warqad maxkamadeed oo ay ku sheegeen inay ku doonayaan inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka.

“Markii dambe waxaa soo faragaliyay arinta ra’isul wasaare Khayre oo amar ku bixiyey in dib loo celiyo ciidankii Wasaarada iyadoo wasiir kuxigeenku uu shaqadiisa dib ugu laabtay si caadiya” ayuu yiri Wasiirka Arimaha dibada ee dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad.

Xiisad ayaa ka taagneyd saaka xarunta wasaarada Arimaha Dibada ee Somalia ka ddib markii ciidamo dawladda ka tirsan ay isku dayeen inay soo xiraan wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha dibada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -