Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Xaalada Jigjiga oo faraha ka baxday & Madaxweyne Cabdi Maxuud oo..

Xaalada Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faraha ka sii baxeysa iyadoo jahawareer weyn iyo bililiqo ay ka socdaan Magaalada.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii saaka lagu waabariistay askar milateri ah oo xiray baarlamaanka iyo xarumo kale oo DDSI ay leedahay.

Ciidanka ayaa markii dambe lug ku soo maray waddada weyn ee halbowlaha u ah Jigjiga, waxayna iska hor yimaadeen dadkii magaalada oo caraysan, kuwaasoo dhagxaan ku bilaabay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askartu ay kala carartay, rabshadihii markaa ka dib billowdayna ay magaalada oo dhan ku fideen.

Hantida dadka aan Soomaalida ahayn ee Jigjiga ku nool  ayaa la soo sheegayaa in bililiqo xoogan loo geysanayo, waxaana meesha ka baxay amarkii iyo kala dambeyntii ka jirtay magaalada.

Boqolaal qof ayaa la sheegay in ay dhaawacyo ka soo gaareen boobka iyo rabshadaha ka socda Jigjiga, laakinse lama soo sheegin dhimasho.

Dhismayaal iyo hanti gubanaysa ayaa la soo sheegay, iyadoo dad raxan raxan u socda ay beegsanayaan dadka aan aan Soomaalida aheyn ee magaaladaas ku nool iyo hantidooda.

Madaxweynaha DDSI Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay xarun ay ciidanka Liyuu Boolisku leeyihiin oo ku taalla duleedka magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo kulan Xasaasi ah la qaatay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Israel oo qiratay in askar looga dilay Gaza, Taangi iyo gaadiid kalena laga gubay

Caydiid Ali

Imaaraadka oo la sheegay in uu doonayo in Puntland ka jaro Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---