Cabdirashiid Janan oo Shaaciyay in Gedo u tagay si uu u fuliyo Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa gaaray gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland, waxa uuna halkaasi kula kulmay masuuliyiin katirsan maamulka gobolka iyo saraakiil ciidan.

Janan oo muddooyinkii dambe saldhig ka dhigtay magaalada Muqdisho ayaa gaaray gobolka Gedo isaga uu la socdo madaxweyne kuxigeenkii hore ee Jubbalanad haddana ah xildhibaan Fartaag, waxa ayna heshiis la gaareen maamulka Gedo.

Waxa uu sheegay Cabdirashiid Janan in gobolka Gedo u tagay siĀ  uu fuliyo baaqii kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in lala dagaalamo kooxda Al-Shabaab, lana abaabulo bulshada si ay kooxdaasi ula dagaalamaan.

Janan ayaa beeniyay in tagistiisa gobolka Gedo la xariirto ajando siyaasadeed iyo dano kale, waxa uuna kaliya cadeeyay in ujeedkoodu yahay abaabulka dagaal ka dhan ah Al Shabaab si uga sifeeyaan gobolka Gedo iyo Jubada Dhaxe.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira maamul ka madax bannaan kan Jubbaland, gobolkan oo deegaano badan oo katirsan heestaan Al Shabaab ayaana jirin abaabul lamid ah kuwa ka socda gobolada dalka, waxa uuna Janan hadda doonayaan in howlgalo ka abaabulo gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -