Muddo kororsiga uu rabo Madaxweyne Laftagareen oo si weyn looga hor yimid

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa qorsheenaya in muddo kororsi sameeyo, xilli maalmo un ka harsan yihiin muddo xileedkiisa rasmiga ah oo aheyd afar sanno.

Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda muddo kororsi ugu sameeyay madaxweynaha, hasa ahaatee waxaa kasoo horjeeda muddo kororsigaasi siyaasiyiinta Koonfur Galbeed qaarkood.

Qaar kamid ah xildhibaanada heer federaal ee baarlamaanka Soomaaliya ku jira ayaa si weyn uga soo horjeestay muddo kororsiga uu ku taamayo Madaxweyne Laftagareen, waxa ayna walaac xooggan ka muujiyeen in ay hirgasho muddo kororsiga madaxweynaha.

Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaano kale aad uga walaacsan yihiin xaaladda Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay in aysan raali ka aheyn in muddo kororsi sameesto Laftagareen uu tilmaamay in maalmo u harsan yihiin.

“Warqadda aanu soo saarnay waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo muddo doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo wakhtigan xaadirka ah aad u kacsan maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin”. ayuu yiri Xildhibaan Saadiq.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in la qabto doorashada Koonfur Galbeed xilligeeda rasmiga ah, waxa uuna ka dhawaajiyay in aysan marnaba raali ka noqon doonin in la sameeyo wax muddo kororsi ah.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo joogo guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo wada abaanulka shirweyne la isugu keenayo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -