Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashooyinka oo soo saaray Habraaca diiwaangelinta Xisbiyada

Guddiga doorashooyinka Qaranka ee dowlada Somalia ayaa soo saaray Habraaca Diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda dalka kaasoo ka kooban shuruudo 9 ah oo laga doonayo inuu buuxiyo xisbi walba.

Dhinaca kale, Xubno ka mid ah Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta booqday goobaha loo asteeyey diiwaan gelinta codbixiyaasha ee  gobolka Banaadir iyadoo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee  Gobolka Banadir M.ne: Maxamed Axmed Diiriye (yabooh).

Guddiga oo qorshaynaya inuu soo kormeero xarumaha loo asteeyey diiwaangelinta codbixiyaha ee Gobolka Banaadir ayaa maanta booqday Degmada Boondheere iyaga oo halkaa kula kulmay mas’uuliyiinta iyo dadwaynaha degmada. Guddiga ayaa uga warramay dadwaynaha muhimmada ay leedahay diiwaangelinta codbixiyuhu iyo inay saldhig u tahay doorashooyinka toos ah.

Sidoo kale, Guddiga ayaa ku boorriyay dadwaynaha inay maanta haystaan fursad qaali ah oo ay ku xaqiijin karaan himilada dadka Soomaaliyeed ee ah in dalka laga hirgeliyo dawladnimo  ku timaadda rabitaanka dadwaynaha lagana gudbo nidaamka doorashooyinka dadban.

HOOS KA DAALACO HABRAACA DIIWAAN GELINTA URURADA SIYAASADA DALKA

Related posts

Avv. C/llaahi Maxamed Cabdi (Bagadi) oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Hantiile caan ah oo safar dalxiis hawada sare ku bixinaya $28 malyan oo doolar

Cabdi Cade

Dowlada uu Hogaamiyo Farmaajo oo la sheegay in ay diiday in ay ku dhaqanto Dastuurka iyo Diinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---