Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaali toorey ku hubeysan oo saddex qof ku dilay Magaalada Würzburg (Sawirro)

Nin toorey ku hubeysan ayaa la soo sheegayaa inuu dad caddaan ah ku dilay maanta Magaalada Würzburg oo ka tirsan gobolka Bayern ee dalka Jarmalka.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in ninkaas uu markii hore wadada ku ceyrsanaayey haweeney, hase ahaatee uu markii dambe tooreyda ku weeraray dadkii wadada marayey qaarkood oo isku dayey iney ka celiyaan haweeneyda uu daba joogay.

Wakaaladaha wararka ayaa qoraya in ninkan Soomaaliga ah ee Tooreyda ku hubeysnaa uu halkaas ku dilay saddex qof, halka qaar kalena uu dhaawacyo kala duwan gaarsiiyey.

Booliska oo markii dambe soo gaaray goobta ayaa ku guuleystay iney dhaawac u geystaan ka dibna qabtaan ninkan oo haatan xabsiga ku jira, waxayna saraakiishu sheegeen iney socdaan baaritaano.

Goobta uu weerarku ka dhacay oo muddo kooban xirneyd ayaa la sheegay in haatan la furay, iyadoo boolisku sheegeen ineysan jirin wax laga welwelo.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Magaalada uu weerarka ka dhacay ee Würzburg ayaa sheegay in ninkan uu mudooyinkanba isku buuqsanaa, uuna u muuqday qof Jahwareersan, waxaana dhacdadan si weyn u hadal haysa warbaahinta Jarmalka iyo kuwa caalamiga ah.

LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA (HOOS KA DAAWO SAWIRRO)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo war ka soo saartay ciidankii shalay galay xarunteeda

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo Taliye Odawaa oo tagay Deegaano Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---