Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo dirqi kaga badbaaday in xilka laga xayuubiyo

Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ayaa laalay go’aan lagu doonayey in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaasi Cyril Ramaphosa.

Waxaa Ramaphosa lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo inuu lacag tira badan uu beertiisa ku qariyey, inkastoo madaxweynaha uu eeddaasi diiday.

Xubnaha Baarlamaanka oo aqlabiyaddiisa uu leeyahay xisbiga madaxweynaha ee ANC ayaa diiday gabi ahaanba eedda madaxweynaha loo soo jeediyey isla markaana garab istaag u muujiyey.

Ramaphosa mar haddii uu xil ka qaadis ka badbaaday waxaa loo badinayaa shirweynaha xisbiga ee Jimcaha dhacaya in markale loogu doorto guddoomiyaha xisbiga ANC.

Wuxuu markale uu iisu soo taagayaa xilka Madaxweynaha doorashada 2024-ka waa Haddii uu guddoomiyenimada xisbiga ku guuleyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaartoy ka qeyb gashay Tartankii Dowlad Goboleedyada oo Maxkamad loogu hanjabay

Cabdi Cade

FBI-da  oo loogu baaqay in ay baarto Barnaamijka FaceApp ee baraha bulshada qabsaday

Cabdi Cade

(Akhriso) War Murtiyeed rasmi ah oo ka soo baxay shirkii Jabuuti & khalad dhacay oo la saxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---