Wiil mudo 40-Daqiiqo ku hoos aasnaa Baraf kusoo dumay oo Nolol lagu helay !!

Dad badan ayaa mucjiso iyo nasiib ku tilmaamay in nolol lagu helay wiil 12-sano jir ah oo mudo 40-daqiiqo ku hoos aasnaa baraf weyn oo kusoo dumay.

Wiilkan yar oo la socday xubno qoyskiisa kamid ah ayaa la sheegay in uu baraf weyn kusoo dumay xili uu ku sugnaa buuraleyda Alps ee dalka Faransiiska, waxaana wiilkan xiliga barafka kusoo dumayay geeska uga baxay xubnaha kale ee qoyskiisa.

Waalidiinta wiilkan ayaa sheegay xili uu kaligiis dhinac ordayay in uu kusoo dhacay bafar weyn, waxaana wiilka aasay barafka kusoo dumay iyadoona qoyskiisa ku guul dareestaan in ay soo bad baadiyaan.

Ciidamo booliis ah oo soo gaaray buuraleyda Alps oo ah halka wiilka yar barafka ku aasay ayaa ku guuleestay in mudo 40-daqiiqo kadib helaan wiilka oo nool, waxaana ciidanka caawinayay eeyaha wax uriya.

Booliiska soo bad baadiyay wiilkan yar ayaa aad ula fajacay markii ay heleen wiilka oo nool oo kaliya ka jabay lugta, waxa ayna mucjiso iyo nasiib ku tilmaameen in wiilkan nolol lagu helay.

“Waa arrin mucjiso ah, sababtoo ah wiilka ma uusan wadanin wax qalab ah oo ka difaaci karay khatartaas, fursadda ay macquulka tahay inuu qof ugu noolaan karo barafka hoostiisa waa 15 daqiiqo”Ayuu yiri mid kamid ah askartii wiilkaasi soo bad baadisay.

Wiilkan aadka u nasiibka badan ayaa kaliya lugta uga jabay barafka kusoo dumay, waxaana wiilkan oo hada xaalkiisu wanaagsan yahay lagu daweenayaa isbitaal kuyaala dalka Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -