Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mudooyinkii lasoo dhaafay dalka dibadiisa kunoolaa .

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Sheekh Shariif Wasiiro katirsan Xukuumada federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo xubno katirsan Ururka Himilo Qaran.

Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale maanta si weyn looga dareemay soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, dadweyne badan ayaana isugu soo baxay wadooyinka isku xira garoonka iyo xaruna xisbiga Himilo Qaran.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wali taageero badan ku dhax leh bulshada Soomaaliya, waxaa Sheekh Shariif mar kale rajo ka qabaa in uu dalka Madaxweyne ka noqdo.

- Advertisement -