Shacab Careysan oo maanta banaan bax ka dhigay Muqdisho

Shacab ka careesan dilal ,dhac iyo dhibaaooin kale ay ku hayaan ciidamo kulabisan dareeska Dowlada Soomaalia ayaa maanta banaan bax ka dhigay qeybo kamid ah Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo horjeedaan falal amaan daro oo degmada kusoo kordhay sida dhac ,Isbaarooyin iyo baad laga qaado ganacsatada Suuqa Kaaraan.

Banaan baxa ayaa intii uu socday waxaa xirmay qaar kamid ah Wadooyinka Degmada Kaaraan oo loo diiday in ay gaadiidka maraan, waxaa sidoo kale xirnaa ganacsiga Suuqa Kaaraan.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku eedeeyay maamulka degmada in aysan waxba ka qaban dhibaatada ay maleeshiyaadka hubeesan shacabka ku hayaan sida dilalka iyo dhaca joogtada ah.

Degmada Kaaraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo kordhay falal amaan daro sida dilal dhac iyo is rasaaseyn dhax marta ciidanka dowlada, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Degmadaasi lagu dilay labo qof oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -